Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa booqasho Heer Sare ah ku tagay Jaamacada Zamzam ee culuumta sayniska iyo Tiknooligiyadda

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1/10/2023, Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa booqasho ku tahay Jaamacada Zamzam University of Science and Technology waxaana soo dhaweyn aad u heer sareysa inoo sameeyay Maamulka Jaamacada Zamzam oo uu hogaaminaayay Gudoomiyaha Dr. Maxamuud Maxamed Xarbi . Soo dhaweynta kadib, waxaan booqanay qeybo kamid ah mashaariicada cilmibaarista ee ka dhex socda xarunta Jaamacada iyo sheybaaro casri ah oo ay Jaamacadu ugutalagashay kobcinta halabuurka ardayda.

Agaasimaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed Ustaad @Cumar Julari ayaa Maamulka Jaamacada Zamzam ku amaanay hirgelinta mashaariicda hormarinta beeraha Dalka, taasoo lagu hormarinaayo dalagayada gudaha iyo tijaabita dalagyo dibada Dalka laga keenay oo wadankeena aan horay loogu tijaabinin. Sidoo kale, Agaasime Cumar waxaa uu Maamulka Jaamacada ku bogaadiyay Mashruuca Xanaanada Digaaga ee Jaamacadu ay ka hirgelisay Xarunta Jaamacada dhaxdeeda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top