Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho ku tagay Jaamacada Imam Shafi’i University

Jaamacada Imam Shafi’i University oo kamid ah Jaamacadaha xubnaha ka ah Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed. Waxaa soodhaweyn aad u sareysa inoo sameeyay Maamulka Jaamacada oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Jaamacada Dr. Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil. Ujeedada booqashada waxa ay eheed qiimeynta habsami u socodka howlaha waxbarasho ee ka socda Jaamacada iyo ka qeebqaadashada soo dhaweynta ardayda cusub ee sanad waxbarasheedka 2023/2024.

Gudoomiyaha Jaamacada ayaa warbixin faahfaahsan naga siiyay habsami u socodka howlaha waxbarasho ee Jaamacada iyo guulaha ballaaran ee jaamacadu ay gaartay mudadii ay jirtay. Sidoo kale Gudoomiyaha waxaa uu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha cusub ee ay jaamacada soo kordhin doonto sanadkan cusub si kor loogu qaado tayada tacliinta iyo hal-abuurka ardayda.

Agaasimaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed Ustaad Cumar Julari ayaa kalmad soodhaweyn iyo baraarujin ah u jeediyay ardayda cusub ee Jaamacada ku soo biirtay sanad waxbarasheedka 2023/ 2024 waxa uuna kula dardaarmay in ay dadaal dheeraad ah kubixiyaan waxbarashada si ay ujeedadooda u gaaraan.

Gabagabadii kulanka Agaasime Cumar ayaa ku amaanay Maamulka Jaamacada imaamu shaafici shaqada qiimaha badan ee ay Bulshada Soomaaliyeed u hayaan taasoo isku jirta; Waxbarid, Cilmibaaris iyo Adeegyo Bulsho

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top