Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed oo Booqasho ku Tagtay Jaamacada Muqdisho

Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa booqasho mudo laba maalin qaadatay ku tagay Jaamacada Mogadishu University جامعة مقديشو oo xubin firfircoon ka ah Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed. Madax Sare oo uu hogaaminayay Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada ee dhanka Waxbarashada Dr. Cali Daahir Cali Maxamed ayaa si heer sare ah usoo dhaweeyay wafdigii ka socday Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed warbixin faahfaahsana ka siiyay habsami u socodka howlaha waxbarashada ee Jaamacada . Soo dhaweynta kadib, waxaan booqanay xarumaha kala duwan ee Jaamacadu ku leedahay Magaalada Muqdisho gudaheeda iyo banaankeedaba, halkaasi oo aan ku soo aragnay hormaro balaaran oo ay Jaamacadu ka sameysay dhanka Waxbarashada iyo Kaabayaasha Waxbarashada. Gabagabadii booqashada, Agaasimaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed Ustaad Cumar Julari ayaa Maamulka Jaamacada Muqdisho ku amaanay shaqada qiimaha badan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan iyo sida wanaagsan ee Jaamacadu ay xil iskaga saartay, diyaarinta deegaan ku haboon Tacliin Sare, hirgelinta sheybaaro casri oo ay ardayda iyo Macalimiinta Jaamacada ay ku sameeyaan tijaaboojinka iyo cilmibaarista, Maktabadaha casriga ah ee ay Jaamacada u sameysay Kulyad waliba iyo mashaaruuca tijaabada dalagayada kala duwan ee loogu talagalay ardayda dhigata kulyada Culuumta Beeraha. Agaasime Cumar ayaa sheegay in howlahaasi oo dhan ay qeeb muhiim ah ka yihiin hormorinta Tayada Tacliinta Sare ee Dalka: make it title

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top