Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho ku tagay Jaamacada HIMILO UNIVERSITY

Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho ku tagay Jaamacada HIMILO UNIVERSITY.

Waxaana wafdiga soo dhaweyn qiimaha badan u sameeyay Gudoonka Sare ee Jaamacada oo uu hogaaminaayay Gudoomiyaha Jaaamacada Dr. Cabdikariim Aadam Xuseen.

Soo dhaweynta kadib, Gudoomiyaha Jaamacada ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlaha Jaamacada la wadaagay Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed.

Gabagabadii Kulanka, Agaasimaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed Ustaad Cumar Julari ayaa ku amaanay Jaamacada Himilo howsha qiimaha badan ee Jaamacadu ay u hayso Bulshada Soomaaliyeed iyo kaalinta muhiim ka ah ee Jaamacadu ay ku leedahay hormarinta Tacliinta Sare ee Dalka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top